Home arrow Safar arrow Yuusuf iyo Morgan oo Isku Khilaafsan Qaabka loo Wajahayo Kismaayo
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:52
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:88
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:261
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:398
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:141
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Sep 09 2008
Yuusuf iyo Morgan oo Isku Khilaafsan Qaabka loo Wajahayo Kismaayo
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 09 September 2008

Gen MorganMoqdisho,(insidesomalia.org)- Warar ku dhowdhow xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Jen. Maxed Siciid Xersi (Morgan) ay si weyn oo aan horay loo arag isugu khilaafeen sida laga yeelayo iyo qaabka loo wajahayo weeraro lala kaashanayo ciidamada Itoobiya oo lagu qaado Jubbooyinka, iyadoo labada nin ay maalmahan kulamo gaar ahi ka lahaayeen arrintaasi.

 

Ilo warkeed si weyn ula socday kulamadaasi ayaa inoo xaqiijiyey in Taliyaha ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya oo ku soo biiray kulanka labada nin uu sheegay in ciidamadoodu aaney wax dagaalo ah ku qaadi karin Jubbooyinka xilligan, maadaama roobo badan ay ka daéen deegaanadaasi, jidadkuna aaney hagaagsaneyn, wuxuuna sheegay in marka ay ku haboonaato in ay dagaalo ku qaadaan goboladaasi in uu horkici doono Jen. Morgan, waxaana arrintaasi gaashaanka ku dhiftay Cabdullaahi Yuusuf oo sheegay in cidda keliya ee lagala tashanayo arrinta Jubbooyinka in ay tahay Taliyaha Guutada 1aad ee Ciidamada Dowladda Col. Cabdirisaaq Afgaduud.

 

Taliyaha Itoobiyaanka ayaa sheegay in aagag badan ay Ciidamadoodu dagaalo kaga furan yihiin, isla markaana aaney u babac dhigi Karin weerarada lixaadka leh ee uga imaanaya kooxaha kacdoonka, wuxuuna ka codsaday Madaxweynaha in la sameeyo Ciidamo ay yeelato Dowladda oo kala wareega ammaanka qaar ka tirsan gobolada Soomaaliya.

 

 

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >